Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Neymar Jr oo diray fariin kulul kahor kulanka dhex mari doona kooxaha Man City iyo Paris Saint-Germain

$
0
0

(Paris) 03 Maajo 2021. Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa xaqiijiyay inuu sameyn doono wax walba oo karaankiisa ah si uu ugu suurtogaliyo kooxda reer France, inay u soo baxdo finalka Champions League.

Manchester City ayaa martigelin doonta Paris Saint-Germain habeen dambe Talaadada ah, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League, kaddib markii kulankii lugta hore uu ku soo idlaaday 1-2 ay ku soo adkaatay City.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, waxaana uu yiri:

“Waxaan leenahay kulan aad u adag oo aan la ciyaareyno Manchester City, laakiin waa inaan aaminaa awoodeena, wax kasta oo tirakoobyada ay ka sheegayaan fursadaheena aan ku guuleysan karno.”

“Dhamaan dadka reer Paris waa inay na aaminaan, waxaan joogaa fiida hore, waxaana ahay dagaalyahanka ugu horeeya ee dagaalkan.”

Si kastaba ha ahaatee, Paris Saint-Germain ayaa u baahan kulanka la wada sugayo habeen dambe inay dhaliso laba gool marka ay ugu yartahay si ay ugu soo baxdo kulanka finalka tartanka Champions League markeedii labaad ee xiriir ah, haddii ay dhacdo in City aysan wax goolal ah dhalinin, taasoo u muuqata in howsha sugeysa ay tahay mid aad u adag, sababa la xiriira awooda kooxda ka soo horjeeda.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles