(London) 03 Maajo 2021. Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday go’aankiisa kaga aadan haddii uu ciyaarayo Antonio Rüdiger kulanka habeenka Arbacada ee Real Madrid.
Antonio Rüdiger ayaa dhawac soo gaaray dhawaan, taasoo shaki gelisay suurtagalnimadiisa inuu ka qeyb galo kulanka Real Madrid ee lugta labaad wareega afar dhammaadka Champions League.
Haddaba Thomas Tuchel ayaa u sheegay warbaahinta kaddib shir jaraa’id uu ka soo muuqday:
“Antonio Rüdiger wuxuu ciyaari doonaa kulanka Real Madrid, laakiin wuxuu xiran doonaa wajiga inta lagu guda jiro ciyaarta dhaawac dartiis.”
Isagoo ka hadlayay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe reer Croatia Mateo Kovačić, wuxuuna yiri:
“Ku dhowaad Mateo Kovačić ma awoodi doono inuu qeyb ka noqdo kulankan.”
Mar wax laga weydiiyay soo laabashada Sergio Ramos si uu qeyb kaga noqdo kooxdiisa ayaa wuxuu yiri:
“Waa xiddig muhiim ka ah Real Madrid wuxuuna heystaa fursad uu kooxda ku hogaamiyo garoonka dhexdiisa.”
Gool FM.