(London) 30 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa u dabaal dageysa guusha tartanka Champions League kaddib markii ay ciyaartii fiinaalka xalay 1-0 kaga adkaatay kooxda Manchester City, waxaana markey ciyaarta dhammaatay saxaafadda la hadlay Macallin Thomas Tuchel.
Tuchel ayaa sheegay inuu haatan rajeynayo inuu Blues ka helo qandaraas cusub oo uu kooxda kusii maamulo kaddib markii uu usoo gacan galiyay tartanka horyaallada Yurub.
“100% ma hubo, balse laga yaabee inaan heli karo qandaraas cusub” ayuu yiri macallinkii hore ee Paris Saint-Germain intii uu ku gudo jiray shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta kaddib.
“Waa laga yaabaa, maamulaheyga ayaa arrintaas wax iga yiri, balse ma garan karo.
“Milkiilaha ayaa hadda garoonka kula hadlay, waxay ahayd muddo fiican kulankeenii ugu horreeyay, ama tan ugu xun, waayo wixii hadda ka dambeeya way sii xumaanneysaa, waan wada hadleynaa berri, sidoo kale, dib ayaan u wada hadleynaa, haddana waan wada hadleynaa…
“Waxaan u damaanad qaadi karaa inaan baahidan muujinayo sidoo kalena aan doonayo inaan koobab kale ku guuleysto” ayuu yiri Tuchel.
Si kastaba ha ahaatee, macallinka Jarmalka ah ayaa xiddigaha kooxdiisa ku tilmaamay koox awood badan oo qalbigiisa ku dhalinaya rajo fara badan oo uu kula guuleysan karo koobab kale.
Gool FM.