Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Michael Ballack – Yaa u baahan gabdho marka aad daawanayso Final-ka Champions League, xiddigii hore ee Chelsea oo xalay hadal hayn badan abuuray

$
0
0

(Ibiza) 30 Maajo 2021. Laacibkii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea ee Michael Ballack ayaa hadal hayn badan abuuray kaddib markii uu u muuqday mid aan lahayn indho aan ka ahayn kooxdiisii hore kulankii xalay ee Final-ka Champions League, markaasoo uu ku sugnaa goob lagu caweeyey oo gabdho iyo waxyaabo kale lagu mashquuli karay.

Kooxda Chelsea ayaa xalay ku guuleysatay koobka Champions League markeedii labaad, markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda ay ka wada dhisan yihiin England ee Manchester City, waxaana lagu kala adkaaday gool qura oo uu 42’daqiiqo dhaliyey Kai Havertz.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea, Michael Ballack ayaan nasiib u yeelan inuu aado Magaalada Porto ee dalka Portugal si uu toos uga daawado garoonka kulankii xalay ee final-ka Champions League oo ay ciyaareyso kooxdiisii hore, balse taas beddelkeeda waxa uu joogay baar lagu caweeyo oo uu ku damaashaadi karay kaddib ciyaarta.

Muuqaal laga soo duubay Michael Ballack oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa la arkayey ciyaaryahankii hore ee Blues oo dhinac fadhiya masraxa lagu magacaabo Lio oo ku yaala Magaalada loo dalxiiska tago ee Ibiza.

Sheekada cajiibka ah ee soo jiidashada leh waxa ay ahayd in xiddigii hore ee Jamalka uusan hal marna eegin dumarka masraxa saarnaa ee qoob ka ciyaarka sameynayey, laakiin taa beddelkeeda toos indhaha ugu hayey moobeelka hortiisa yaallay ee uu ciyaarta ka daawanayey.

Arrintii uu xalay sameeyey xiddigii hore ee kooxda Chelsea ayaa mid ka mid ah dadkii aragtida ka dhiibtay waxa uu soo qoray: “Yaa u baahan gabdho marka aad daawanayso Final-ka Champions League”.

Ballack ayaa u soo ciyaaray Kooxda Chelsea intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2010, waxaana uu kula soo guuleystay horyaalka Premier League, saddex FA Cup iyo League Cup-ka, balse nasiib-darro waayihiisii Magaalada London ma gaarin kal ciyaareedkii 2011-12, markaasoo ay Blues ku guuleysatay Champions League, markaasoo in badan oo ka mid ah saaxiibadiisii hore ay koobka dheggaha weyn ku guuleysteen.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles