(Porto) 30 Maajo 2021. Kevin de Bruyne ayaa baraha bulshada ku shaaciyay inuu jab ka soo gaaray wajiga kaddib markii ay isku dheceen Antonio Rudiger final-kii Champions League.
Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa Isbitaalka loo qaaday kaddib markii la beddelay kulankii xalay ay la ciyaareen Chelsea oo ay guuldarrada kala kulmeen, kaasoo ka dhacay garoonka Estadio do Dragao.
“Haye dhallinyaro hadda ayaan ka soo laabtay Isbitaalka,” ayuu De Bruyne ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
“Baaritaankeygu waxa uu caddeeyey inuu jiro jab sanka ah iyo jab dhanka bidix ee wareegga ah, hadda waxaan dareemayaa inaan Okay ahay, weli waan ka niyad-jabsanahay wixii shalay dhacay, laakiin waan soo laaban doonnaa” ayuu qoraalkiisa ku daray De Bruyne.
Hi guys just got back from the hospital. My diagnosis is Acute nose bone fracture and left orbital fracture. I feel okay now. Still disappointed about yesterday obviously but we will be back
— Kevin De Bruyne (@DeBruyneKev) May 30, 2021
Koobka qarammada Yurub ee 2021 ayaa bilaabmi doonta wax ka yar labo toddobaad, waana la arki doonaa haddii laacibka reer Belgium uu ku jiri doono liiska tababare Roberto Martinez ee kulanka furitaanka oo xulkiisa uu wajahayo Russia, kulankaasoo dhici doona 12-ka bisha June ee soo aaddan.
Gool FM.