(Porto) 30 Maajo 2021. Website-ka rasmiga ah xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa daabacay shaxdii ugu fiicnayd ee Champions League inta lagu gudajiray xilli ciyaareedka dhawaan dhammaaday ee 2020-21, kaddib markii ay Chelsea ku guuleysatay.
Chelsea ayaa xalay markeedii labaad ku guuleystay koobka Champions League kaddib markii ay si dirqi ah kaga adkaatay kooxda Manchester City, kulankii final-ka ahaa oo ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio do Dragao magaalada Porto ee dalka Portugal.
Ciyaartoyda kooxdii xilli ciyaareedka waxaa lagu xushay iyadoo lagu saleynayo qodobka UEFA ee ciyaarta “Fantasy”, taasoo muujisay in lagu dhex arko waxyaabo la yaab leh, sida in laga reebay xiddiga reer France ee N’Golo Kanté, inkastoo uu door weyn ee muuqda uu ka ciyaaray in Chelsea ay ku guuleysato koobka Champions League.
Sidaoo kale waxyaabaha la yaabka leh ee shaxdan lagu dhex arkay ayaa waxay tahay inuu ku soo baxay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, halka laga reebay laacibka naadiga Manchester City ee Riyad Mahrez.
Kooxdan ayaan lagu soo darin wax ciyaartoy ah oo ka socda horyaalka Spain, maadaama ay xilli hore isaga hareen tartanka Champions League kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid, halka aanu jirin ciyaartoy ka socda Real Madrid oo qaab ciyaareed muuqda soo bandhigay kulankii Chelsea ee semi-finalka.
Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda 11-ka ciyaaryahan ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan Champions League iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin:-
Goolhaaye: Edouard Mendy (Chelsea).
Difaacyada: Kyle Walker (Manchester City), Antonio Rüdiger (Chelsea), Rúben Dias (Manchester City), Cesar Azpilicueta (Chelsea),
Khadka dhexe: İlkay Gündoğan (Manchester City), Jorginho (Chelsea), Phil Foden (Manchester City).
Weerarka: Mohamed Salah (Liverpool), Kylian Mbappé (Paris Saint-Germain), Erling Haaland (Borussia Dortmund).
Gool FM.