Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Young Boys oo garoonkeeda Stade de Suisse Wankdorf guul kaga gaartay 10 xiddig kooxda Man United ah… +SAWIRRO

$
0
0

(Bern) 14 Sebt 2021. Young Boys ayaa garoonkeeda Stade de Suisse Wankdorf guul kaga gaartay 10 xiddig kooxda Manchester United ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaartooda koowaad guruubka F ee tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta ee Manchester United

Daqiiqadii 13-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Cristiano Ronaldo oo caawin ay kaga timid xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Bruno Fernandes.

35 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Manchester United ayaa noqotay 10 xiddig kaddib markii uu kaarka roosaha qaatay daafacooda reer England ee Aaron Wan-Bissaka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda martida loo ahaa ee Young Boys ayaa waxay la timid goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Nicolas Ngamaleu, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Silvan Hefti.

90+5 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Young Boys ayaa hoggaanka u qabaty ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay laacibkooda Theoson Jordan Siebatcheu.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay bar-bardhac 2-1 oo ay kaga adkaatay Young Boys kooxda Manchester United oo ku soo booqatay garoonka Stade de Suisse Wankdorf, ciyaartooda koowaad guruubka F ee tartanka Champions League.

SAWIRRO:

Image

d

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles