Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Messi oo kusoo laabtay tababarka buuxa ee PSG kahor kulanka Champions League ee Man City & Xiddig u ciyaara kooxda Ingiriiska ah oo u kulul inuu wajaho laacibkii hore ee Barca

$
0
0

(Paris) 27 Sebt 2021. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ayaa si buuxda maanta uga qayb qaatay tababarka buuxa ee ay sameynayeen xiddigaha kooxdiisa isagoo si wanaagsan kaga soo kabsaday dhaawacii jilibka kulankii Lyon ee dhacay 19-kii bishan September.

Leo ayaa dhaawac ku seegay kulankii Sabtidii ay kooxdiisa la ciyaartay naadiga Montpellier kaasoo ka tirsanaa horyaalka Ligue 1, waxaase la filayaa inuu taam u buuxa u noqdo inuu wajaho naadiga Manchester City kulanka labaad ee wareegga guruubyada Champions League kaasoo habeen dambe lagu ciyaari doono gegada Parc des Princess oo ay ku ciyaarto PSG.

Dhanka kale, difaaca Man City ee Ruben Dias ayaa u kulul inuu ka hor tago kabtanka xulka qaranka Argentina kulanka habeenka Talaada isagoo ku han weyn inuu Messi ciyaartan taam u noqdo si ay garoonka ugu hardamaan.

“Messi waa ciyaaryahan gaar ah, xirfadlennimo ahaanna, waxaad door bideysaa inaad wajahdo xiddigaha caynkan oo kale ah” ayuu yiri difaaca reer Portugal isagoo la hadlay saxaafadda kahor ciyaarta soo aaddan.

Si kastaba ha ahaatee, PSG oo maanta soo bandhigtay muuqaalka tababarkeeda oo uu kasoo muuqday Messi kaasoo ka koobnaa 15 daqiiqo ayaa xilli ciyaareedkii hore wareegga afar-dhammaadka tartanka horyaallada Yurub waji-gabax kagala kulantay Man City oo ka reebtay tartanka waxa ayna fasalkan ku kulmayaan wareegga guruubyada.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles