Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Paris Saint-Germain vs Manchester City… (Waxyaabaha aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka UCL ee caawa ka dhacaya Paris)

$
0
0

(Paris) 28 Sebt 2021. Manchester City ayaa kulankeedii labaad ee heerka guruubyada Champions League caawa ku ciyaareysa garoonka Parc des Princes.

Man City waxa ay kulan qeyb ka ah Guruubka A ee tartanka Champions League caawa booqan doontaa Paris Saint-Germain oo doonaysa inay ka aar-gudato.

Labada Kooxood ayaa soo cusbooneysiiyay colaaddooda kaddib markii ay isku dhaceen semi-finalkii xilli ciyaareedkii hore, halkaasoo wiilasha Pep Guardiola ay sheegteen labo guul si ay u soo afjaraan riyadii Parisiens ee tartammada Yurub hal sano oo kale.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Parc des Princes

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

Wararka kooxaha:-

Idrissa Gueye ayaa seegay kulankii kooxdiisa ay barbaraha 1-1 la gashay Club Bruge, laakiin waxa uu diyaar u yahay kulankan kaddib markii uu ganaaxiisa soo dhammaystay, laakiin waxaa kulankan ganaax ku seegaya Angel Di Maria.

Leo Messi iyo Marco Verratti ayaa diyaar u ah kulankan oo shaxda la soo xushay qeyb ka ah, laakiin ma cadda haddii ay taam u noqon doonaan inay ku soo billowdaan safka hore iyo inkale.

Sergio Ramos ayaa ka maqnaanaya PSG, si kastaba ha noqotee, Layvin Kurzawa, Colin Dagba iyo Juan Bernat ayaa dhammaantood ku soo laabtay tababaraka.

Gianluigi Donnarumma ayaa lagu wadaa in loo dhiibo booska Keylor Navas ee shabaqa kooxda PSG.

Dhinaca kale Aymeric Laporte, Rodri iyo John Stones ayaa dhammaantood taam u ahaa kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Chelsea Sabtidii, iyadoo labada ciyaaryahan ee hore ay ku soo bilowdeen kulankii ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Stones ayaa imaan kara kulankiisii ugu horreeyay ee Man City xilli ciyaareedkan isagoo beddelaya Laporte marka loo eego qaab ciyaareedkooda adag.

Ilkay Gundogan waxaa meesha ka saaray Pep Guardiola ilaa fasaxa xulalka kaddib oo waa dhaawac, sidaas darteed waa uu seegi doonaa kulankan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Man City ayaa guuleysatay siddeed ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

>- Man City ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool siddeed ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Champions League.

>- Kooxda Man City ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo au wajahday PSG tartammada oo dhan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles