(Paris) 28 Sebt 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in PSG ay aad u fiican tahay, isla markaana uusan garanayn sida loo joojiyo ka hor kulankooda caawa.
Manchester City ayaa caawa kulan qeyb ka ah tartanka Champions League u safreysa Magaalada Paris ee Caasimadda Faransiiska si ay ula soo ciyaaraan Paris St Germain.
Man City ayaa si lama filaan ah u garaacday kooxda Faransiiska labadii lugood ee afar dhammaadka si ay u gaarto final-ka Champions League xilli ciyaareedkii hore, laakiin kooxda ka dhisan garoonka Parc des Princes ayaa sare isu qaaday tan iyo markii ay safkooda ku soo darsadeen laacibka Lixda goor ku guuleystay xiddiga adduunka ee Lionel Messi.
“Tiradaan tayada leh ma aqaan sida loo joojiyo,” ayuu hadalkiisa ku billaabay Pep Guardiola oo ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Group A ee Champions League.
“Aad ayay u fiican yihiin, tiradaan tayada leh ayaana ka dhigaysa kuwo aad u dag.” ayuu hadalkiisa ku daray.
Lionel Messi ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kooxdiisa PSG, laakiin waxa uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa, isagoo diyaar u ah kulanka caawa ay ka horjeedaan Man City.
Guardiola ayaa qirsan inay PSG aad u fiican isla markaana uusan aqoon sida ay u joojin lahaayeen, maadaama ay safkooda ku soo darsadeen xiddiga reer Argentine ee Messi, balse waxaa laga yaabaa inay tahay ciyaar maskaxeed.
Gool FM.