(Liverpool) 28 Sebt 2021. Xaaladda dhaawacyada Kooxda Liverpool ayaa korortay iyadoo Alexander-Arnold uu biiray liiska dhaawacyada ka hor kulankooda FC Porto.
Xalay ayay gaareen Liverpool Magaalada Porto ee dalka Portugal si ay caawa halkaas ugu wajahaan naadiga FC Porto kulankooda labaad ee Champions League fasal ciyaareedkan.
Naby Keita ayaa qeyb ka noqday safka ay kooxda Reds ku aaddan Waddanka Portugal, laakiin Trent Alexander-Arnold ayaa seegaya kulanka caawa, waxaana uu ku biiray liiska dhaawacyada Kooxda.
Xiddiga xulka qaranka England ayaa qeyb ka ahayn kooxdii Liverpool ee xalay u saftay Magaalada Porto, waxaana ay arrintani imaanaysaa, iyadoo uu saftay kulankii Brentford, balse xanuun kaga maqnaa labadii ciyaarood ee ka horreeyey kulankaas.
Naby Keita ayay u badan tahay inuu keydka soo fariisan doono, waxaana Klopp uu fursad siin karaa Roberto Firmino oo soo galay dhammaadka kulankii Brentford, kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac ka soo gaaray kulankii Chelsea ee billowgii fasal ciyaareedkan.
Waxaa dib ugu soo laabtay Reds oo liiska kooxda ka soo muuqday Neco Williams oo dhaawac ku maqnaa kulammadii xilli ciyaareedka oo dhan.
Liiska xiddigaha Kooxda Liverpool ee Klopp uu ula safray Magaalada Porto:-
Alisson, Adrian, Kelleher; Williams, Gomez, Van Dijk, Konate, Matip, Tsimikas, Robertson, Phillips; Keita, Milner, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Jones, Fabinho; Jota, Origi, Firmino, Mane, Salah, Minamino.
Gool FM.