(Manchester) 21 Okt 2021. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ammaanay awooda xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, isagoo tilmaamay in qofkii dhaleeceeya Ronaldo ay tahay inuu marka hore daawado kulanka Atalanta.
Manchester United ayaa guul soo laabasho ah kaga gaartay garoonkeeda Old Trafford kooxda reer Talyaani ee Atalanta, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, United-ka waxaa goolasha u kala dhaliyay Rashford, Maguire iyo Cristiano Ronaldo.
Cristiano Ronaldo ayaa goolka guusha u dhaliyay Manchester United 9 daqiiqo uun ka hor dhammaadkii ciyaarta, sidaas darteed United-ka waxay ku jirtaa kaalinta koowaad ee Group -ka F ee Champions League iyadoo leh 6 dhibcood.
Haddaba tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wareysi uu ku bixiyay BT Sport wuxuu wuxuu ku sheegay:
“Cristiano Ronaldo wuxuu ku fiican yahay goolka hortiisa, haddii qof doonayo inuu dhaleeceeyo dadaalkiisa iyo heerka shaqadiisa, kaliya waa inuu daawado kulankaan, oo uu arko isagoo kubad la ordaya.”
“Qof walba wuxuu arkay Cristiano oo si xowli ah u ordaya, wuxuu sameeyay wax walba oo uu ku sameyn lahaa bartamaha weerarka, wuuna ka fiican yahay qof walba.”
Gool FM.