(Barcelona) 21 Okt 2021. Ka qeybgalka daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Jordi Alba kulanka El Clasico ee Real Madrid, Axadda soo socota, ayaa shaki ku jira, sida laga soo xigtay wargeyska Sport maanta oo khamiis ah
Wargeyska Sport oo aad ugu dhow naadiga Barcelona ayaana sheegay in ciyaaryahanka uu dhaawac ka soo gaaray dhanka canqowga, inta uu socday kulankii xalay Blaugrana ay kula ciyaareen Dynamo Kiev tartanka Champions League.
Alba wuxuu ka shaqeynayaa saacad kasta si uu isugu dayo inuu qeyb ka noqdo kulanka ay kooxdiisa kula ciyaari doonto Real Madrid Axadda garoonka Camp Nou, kaasoo qeyb ka ah kulammada Isbuuca 10-aad ee Horyaalka Spain.
Ciyaaryahanka Barca ayaa baaritaan caafimaad oo horudhac ah maray waxaana la ogaaday inuu ka dhaawacmay canqowga, Alba qudhiisa ayaa ciyaarta kaddib wuxuu ka hadlay arimo ku saabsan dhaawaciisa.
“Xanuun ayaa jira, balse ma aqaan waxa uu yahay.” Ayuu yiri daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Jordi Alba.
Gool FM.