(Sweden) 02 Nof 2021. Kooxda Chelsea oo guul ka soo gaartay kooxda Malmo FF oo ay ku booqatay garoonka Eleda, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada afaaraad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Malmo FF iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 56-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Hakim Ziyech kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Hudson-Odoi.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Chelsea, kooxda Malmo FF oo ay ku booqatay garoonka Eleda, Blues ayaa kaddib guushaan ay gaartay waxay ka dhigan tahay in 4 kulan ay ka ciyaartay group-ka H ay uruursatay 9 dhibcood.
SAWIRRO:
Gool FM.