Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Bayern, Barcelona, iyo Juventus oo guulo gaaray, xilli Ronaldo uu guuldarro ka badbaadiyay Man United & guud ahaan natiijooyinka kulammadii laga ciyaaray UCL… SAWIRRO

$
0
0

(Yurub) 02 Nof 2021. Kulammo ka tirsan wareegga guruubyada tartanka Champions League ayaa caawa laga ciyaaray garoommo kala duwan oo ku yaalla dalalka qaaradda Yurub.

Chelsea, Manchester United, Barcelona, Bayern Munich, Juventus ayaa ugu madax fiiqnaa kooxaha caawa ka ciyaaray kulammada afaraad wareegga guruubyada ee tartanka Champions League.

Kooxda Bayern Munich ayaa guul weyn kaga gaartay garoonkeeda Allianz Arena naadiga Benfica, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-2, iyada oo ay goolasha u kala dhaliyeen xiddigaha kala ah Lewandowski, Kingsley Coman iyo Serge Gnabry.

Dhinaca kale Juventus ayaa guul ka heshay kooxda Zenit St. Petersburg, kaadib markii ay ku garaacay 4-1, goolasha Bianconeri waxaa u dhaliyay Paulo Dybala, Morata iyo Chiesa.

Barcelona ayaa sidoo kale guul muhiim ah ka soo heshay kooxda Dynamo Kyiv oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1 waxaana goolka u dhaliyay Ansu Fati, xilli Manchester United oo booqatay naadiga Atalanta ay ku soo kala baxeen barbardhac 2-2 ah, labada gool ee United-ka waxaa u dhaliyay laacibkooda Cristiano Ronaldo.

Haddaba halkan hoose ka eeg dhammaan kulammada caawa laga ciyaari doono Champions League iyo saacadaha ay bilaaban doonaan:

Group E –

Dynamo Kyiv 0-1 Barcelona

Bayern Munich 5-2 Benfica

Group F

Villarreal 2-0 Young Boys

Atalanta 2-2 Manchester United

Group G –

Wolfsburg 2-1 FC Salzburg

Sevilla 1-2 Lille

Group H –

Juventus 4-2 Zenit

Malmo FF 0-1 Chelsea.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles