(Atalanta) 03 Nof 2021. Tababaraha kooxda Atalanta ee Gian Piero Gasperini ayaa shaaca ka qaaday waxa uu ku yiri xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii xiisaha lahaa ee labada kooxood xalay ku wada ciyaareen tartanka xiisaha badan ee Champions League.
Manchester United ayaa barbardhac 2-2 ah kula gashay Atlanta fiidnimadii xalay ee talaadada ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca afaraad tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.
Cristiano Ronaldo ayaa xalay badhig cajiib ah ka sameeyay kulankii xalay wuxuuna guuldarro ka badbaadiyay kooxda Manchester United, isagoo dhaliyay laba gool, xilli goolkiisa labaad uu ahaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Ciyaarta kaddib, Cristiano Ronaldo iyo Gian Piero Gasperini oo ah tababaraha Atalanta, ayaa wada sheekeysi degdeg ah yeeshay kahor inta aysan labadooda soo gelin tunnel-ka hor mara qolalka labiska.
Shabakada Goal ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Gian Piero Gasperini kaddib ciyaartii xalay, wuxuuna yiri:
“Hadalkayga Cristiano Ronaldo? Dhamaadkii ciyaarta, waxaan la hadlay Ronaldo, waa ciyaaryahan wanaagsan, xitaa dadka qaar ayaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay dhibaato.”
“Tani waa dhibaato wanaagsan, ma ahan mid xun, kaliya waxay u xun tahay kooxaha ka soo horjeeda, Ronaldo dhif iyo naadir ayuu lumiyaa fursadaha goolka hortiisa ah, maadaama uu hal gool dhaliyay kahor dhamaadka qeybta hore, kan kalena kahor dhamaadka ciyaarta.”
Gian Piero Gasperini oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu shaaca ka qaaday waxa uu ku yiri Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:
“Waxaan u sheegay Ronaldo waxa aan ku niraahno Talyaaniga? Cadaabta gal.”
Gool FM.