(Milan) 18 Dis 2021. Tababaraha kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa si cad u sheegay saddexda kooxoo uu rajeynayay inaysan ku aadin naadiga Nerazzurri, isku aadkii wareega 16-ka Champions League.
Waxaa Isniintii la soo dhaafay la sameeyey isku aadka wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn.
Kooxaha Liverpool iyo Inter ayaa madaxa leysku galiyay, iyada oo Reds ay lugta hore ee wareegga 16-ka tartankan booqan doontaa naadiga reer Talyaani ee Nerazzurr.
Haddaba Tababaraha kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa si cad u sheegay inuu rajeynayay inuusan kula ciyaarin saddexda kooxood ee Liverpool, Manchester City iyo Bayern Munich, wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.
Simone Inzaghi ayaa wareysi uu ku bixiyay kaddib guushii ay kooxdiisu 5-0 kaga badisay kooxda Salernitana, kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:
“Waxaan rajeyneynay inaan ka fogaano Liverpool, Manchester City iyo Bayern Munich, laakiin kani waa isku aadka.”
“Waa inaan sugno heerka aan gaari doono. bisha Febraayo, marka la eego Jir ahaan iyo dhaawacyada.”
Gool FM.