Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Halyeey reer Talyaani ah oo u digay Liverpool kahor kulanka Inter ay ku wajahayaan Champions League

$
0
0

(Milano) 20 Dis 2021. Halyeeyga xulka qaranka Talyaaniga ee Marco Tardelli ayaa u arka kooxda Inter Milan inay tahay kooxda ugu awooda badan horyaalka Serie A, wuxuu fariin digniin ah u diray Liverpool kahor inta aysan labada kooxood isku wajihin wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Inter Milan ayaa kulanka lugta hore kooxda Liverpool kula ciyaari doonta 16-ka February garoonka San Siro, halka kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka Anfield 8-da bisha March.

Shabakada Football Italia ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay halyeeyga xulka qaranka Talyaaniga ee Marco Tardelli, wuxuuna yiri:

“Waxa aan maqlayay dad sheegaya in Liverpool tahay koox ay adag tahay in lala ciyaaro, laakiin ma jirto koox sidan oo kale ah, gaar ahaan marka ay la ciyaarayso Inter Milan.”

Marco Tardelli: "Inter Superior To Juventus Yesterday But The Match Was Not A Good One"

“Waxa muhiimka ah ayaa ah in Inter ay ku ciyaarto isla haraadka iyo rabitaanka ah inay kubbada cagta ciyaaraan, waxay u baahan yihiin awood kale oo ay Liverpool kula ciyaaraan.”

“Inter Milan waa kooxda ugu awooda badan Talyaaniga, waxay meesha ka saartay walwalkii la qabay markii hore.”

“Ma ahayn wax salhan in horay loo socdo la’aantooda Lukaku, Achraf Hakimi, Christian Eriksen iyo Antonio Conte, laakiin Inzaghi isla markiiba wuxuu helay kalsooni.”

Si kastaba ha noqtee, Inter Milan ayaa hogaanka horyaalka Talyaaniga ku haysa 43 dhibcood kadib 18 kulan oo la soo ciyaaray, halka Napoli iyo Milan ay ku kala jiraan kaalinta labaad iyo saddexaad iyagoo leh 39 dhibcood.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles