Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Atletico Madrid vs Manchester United, Benfica vs Ajax… (Red Devils oo rikoor liita ka heysata kulammada ay wareegyada bug-baxa UCL u safartay dalka Spain)

$
0
0

(Madrid) 23 Feb 2022. Mid ka mid ah kulammada ugu xiisaha badan wareegga 16-ka tartanka Champions League ayaa caawa lagu ciyaari doonaa magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain halkaas oo ay foodda isku dari doonaan kooxaha Atletico Madrid oo marti gelineysa Manchester United.

Atletico ayaa qaab liita u ciyaartay heerkii guruubyada balse ugu dambeyn waxaa u suuro gashay inay kaalinta labaad kaga soo baxdo guruubkii ay kula jirtay Liverpool inkastoo labadooda farqi sagaal dhibcood ah uu u dhexeeyay, dhinaca kale, Man United ayaa guruubkeeda F kaga soo gudubtay booska koowaad iyadoo hal dhibic kaga baxsatay naadiga Villarreal, waxayna Red Devils imaanshaha wareeggan uga mahad celineysaa Cristiano Ronaldo.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Wanda Metropolitano

Garsooraha: Ovidiu Hategan (Romania)

Wararka kooxaha:-

Atletico Madrid ayaa dhabar-jab xoog leh la kulantay kahor kulankan muhiimka ah maadaama uu ka dhaawacmay kabtankeeda Koke, sidoo kale Daniel Wass iyo Matheus Cunha ayaa ciyaartan dhaawacyo uga maqan, halka Yannick Carrasco uu isna ganaax ku seegayo, intaas waxaa u sii dheer in Thomas Lemar shaki la gelinayo maadaama uu haatan kasoo kabsaday xanuunka Koofid-19.

Geesta kale, Manchester United ayaa markale weyneysa weeraryahankeeda khabiirka ah ee Edinson Cavani, kaasoo weli dhaawac la tacaalaya, sidoo kale goolhayaha dookha saddexaad ee Tom Heaton ayaa isna dhaawac qaba.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Markii ugu dambeysay ee ay Atletico Madrid iyo Manchester United kulmaan waxay isku arkeen wareegga labaad ee tartankii UEFA Cup Winners’ Cup xilli ciyaareedkii 1991/92. Atletico ayaana wadarta labada lug kusoo gudubtay 4-1.

Kaddib guuldarradii kasoo gaartay kulankeeda ugu horreeyay tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah shantii kulan ee ka dambeysay iyadoo saddex ka mid ah guuleysatay taasoo ka dhigan inay labada kale barbarro gashay.

Manchester United ayaa kaliya hal guul gaartay toddobadii safar ee ugu dambeysay ee ay kooxaha Spain ku booqatay wareegga bug-baxa tartanka Champions League, waxayna diiwaanka ku qoratay afar barbarro iyo labo guuldarro.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Atletico Madrid:

Manchester United:

Shaxda macquulka ah ee kulanka Benfica vs Ajax:-

Benfica:

Vlachodimos; Lazaro, Otamendi, Vertonghen, Grimaldo; Silva, Taarabt, Weigl, Everton; Yaremchuk, Nunez

Ajax:

Pasveer; Mazraoui, Schuurs, Martinez, Blind; Alvarez, Klaassen; Antony, Berghuis, Tadic; Haller

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles