Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Chelsea oo la kulantay labo dhaawac kahor kulanka ay Axadda la balansan tahay Liverpool

$
0
0

(London) 23 Feb 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xalay guul ka gaartay naadiga Lille ciyaartii lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, balse akhbaarta aan wanaagsaneyn ayaa ah inay laba xiddig dhaawac kaga baxeen Blues kulankii xalay xilli uu foodda kusoo haayo fiinaalka tartanka Carabao Cup.

Chelsea in double injury blow with Kovacic and Ziyech huge doubts for  Carabao Cup final after hobbling off against Lille

Chelsea ayaa fiinaalka tartanka Carabao Cup la ciyaari doonta kooxda Liverpool Axadda soo aaddan oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bishan February, balse waxaa la filayaa inay weyso xiddigaheeda kala ah Mateo Kovacic iyo Hakim Ziyech oo dhaawac looga saaray kulankii xalay daqiiqado isku dhow.

Ziyech and Kovacic hobble off for Chelsea ahead of EFL Cup final v Liverpool

Kovacic ayaa ciyaarta laga saaray 51-aad iyadoo lagu baddelay Ruben Loftus-Cheek, halka Ziyech isna daqiiqadii 60-aad la baddelay, balse Tababare Thomas Tuchel ayaa sheegay inuu rajo wacan ka leeyahay inay labada xiddig taam usoo noqdaan kulanka Axadda isla markaana ay heystaan maalmo ay macquul tahay inay xiddigahan kusoo kabsadaan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles