Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Waa sidee rikoorka Cristiano Ronaldo ee kulammada uu wajahay Atletico Madrid kahor ciyaarta caawa ee tartanka Champions League?

$
0
0

(Manchester) 23 Feb 2022. Waxaa caawa kulan xiiso badan oo ka tirsan tartanka Champions League wareeggiisa 16-ka kulammada lugta hore isku arki doona kooxaha Atletico Madrid iyo Manchester United, waxaana kooxda martida ah u ciyaaraya Cristiano Ronaldo oo taariikh ku xardhan xifaaltan qoto dheer kala dhexeeyo naadiga Atletico.

Ronaldo ayaa kooxdan goolal kaga dhaliyay tartanka Champions League oo uu markale ku wajahayo, waxaana hore uu uga hor tagay tartankan  isagoo u ciyaaraya Real Madrid iyo Juventus, waxaadna halkan hoose kaga bogan kartaa rikoorka kabtanka Portugal uga yaallada kulammada uu wajahay Atletico.

37-sano jirkan ayaa Los Rojiblancos la ciyaaray 35 kulan tartammada oo dhan, waxaana uu ka heystaa rikoor ah 17 guul, sagaal barbarro iyo sagaal guuldarro, waxaana uu ka dhaliyay 25 gool isagoo sagaal caawinna sameeyay kulammadaas.

Ronaldo ayaa toddobo guul ka gaaray, shanna barbarro la galay, afar guuldarrana kala kulmay 16 ciyaarood oo uu La Liga ku wajahay intii uu isaga u ciyaaray naadiga Real Madrid, kulammadaasna waxaa uu dhaliyay 12 gool isagoona sameeyay shan caawin.

Marka la eego tartanka Copa del Rey, CR7 ayaa afar guul, hal barbarro iyo labo guuldarro ka heysta Atletico, waxaana uu dhaliyay lix gool isagoo sameeyay hal caawin, balse gool kuma uusan sarin labadii kulan ee uu kaga hor tagay Spanish Super Cup xilli ciyaareedkii 2014-15.

Atletico waa kooxda labaad ee uu goolasha ugu badan ka dhaliyay waxaana goolal intaas ka badan uu ka dhaliya naadiga Sevilla oo 27 gool ugu shubay.

Weeraryahankan ayaa sidoo 10 jeer ku wajahay Atletico tartanka Champions League, lix ka mid ah kulammadaasna waxa uu matalayay Real Madrid halka afarta kale uu u ciyaarayay Juventus.

Fiinaalkii Champions League ee sanadkii 2014, Ronaldo ayaa gool dhaliya midna caawiyay kulan ay Real Madrid 4-1 ku garaacday Atletico Madrid, sidoo kale waxa uu caawiyay gool uu Javier Hernandez ka dhaliyay Atletico mar ay Los Blancos dhiggeeda ku garaacday wareegga rubac-dhammaadka xilli ciyaareedkii 2014-15.

Markale ayuu Atletico ka hor tagay fiinaalka Champions League sanadkii 2016, ciyaartaasna gool ma uusan dhalin balse waxa uu dhaliyay gool-ku-laadkii ay kooxdiisa Real koobka ku qaadday markaas oo rigooreyaal 6-4 ah ku qaadday, balse sanad ciyaareedkii 2016-17 ayuu Ronaldo saddexley ugu shubay Atletico wareegga nus-dhammaadka tartanka horyaallada Yurub lugta hore, waxaana usii xigay saddexley kale uu ka dhaliyay isagoo u ciyaaraya Juve sanad ciyaareedkii 2018-19 isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay kasoo laabato 2-0 oo kulanka hore lagu soo dubtay.

Ugu dambeyn labo ciyaarood oo marxaladda guruubyada ayuu wajahay kooxda Macallin Diego Simeone fasalkii 2019-20 balse gool kama uusan dhalin.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles