Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Taageerayaasha kooxda Paris Saint-Germain oo ku orrinayey Messi iyo Naymar kulankii shalay… (Maxay tahay sababtu?)

$
0
0

(Paris) 14 Mar 2022. Taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa ku orinayey Lionel Messi iyo Neymar Jr ah kulankii shalay mar walba oo ay kubadda taabtaan.

Jamaahiirta kooxda reer France ee PSG ayaa inkastoo kulankii shalay ay 3-0 kaga badiyeen naadiga Bordeux haddana waxa ay ku orinayeen labada xiddig ee Messi iyo Neymar mar kasta oo ay kubadda taabtaan taas beddelkeedana waxa ay u sacab tumayeen laacibkooda Kylian Mbappé.

Waxa ay taageerayaasha Paris Saint-Germain ka carreysnaayeen guuldarradii xanuunka badneyd ee ay dhowaan kala kulmeen kooxda Real Madrid Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League oo lugtii labaad soo laabasho lagu sameeyey, iyagoo faa’iido labo gool ah gacanta ku haystay.

Si kastaba ha noqotee, Mbappé iyo Neymar ayaa min hal gool dhaliyay kulankii shalay galab, halka goolka saddexaadna uu PSG u dhaliyey Paredes.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles