(Manchester) 15 Maarso 2022. Kooxaha kubadda cagta Manchester United iyo Atletico Madrid ayaa caawa ku wada balansan kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League.
Labada naadi ayaa ciyaartii lugta hore kusoo kala baxay 1-1, waxaana Man United oo marti ah ay u baahan tahay inay guul gaarto si ay ugu gudubto wareegga rubac-dhammaadka si la mid ah Atletico ayaa iyaduna guul u baahan maadaama barbarraha aysan caawin karin kaddib markii meesha laga saaray xeerka goolka bannaanka.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – UEFA Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: Old Trafford
Garsooraha: Slavko Vincic (Slovenia)
Wararka Kooxaha:
Manchester United ayaa dib usoo dhoweyneysa xiddigaheeda kala ah Scott McTominay, Bruno Fernandes iyo Luke Shaw kuwaasoo tababarka kusoo laabtay, balse Macallin Ralf Rangnick ayaa sheegay in laga yaabo inuu Shaw taam buuxa u noqon waayo ciyaartan.
Dhinaca kale, Atletico Madrid ayaanan heli doonin Matheus Cunha iyo saxiixeedii January ee Daniel Wass, si la mid ah Thomas Lemar and Sime Vrsaljko oo dhaawacyo qaba halka Yannick Carrasco uu ganaax ku maqnaan doono, balse Mario Hermoso iyo Geoffrey Kondogbia ayaa ku jira safka caawa wajahaya Red Devils.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:
Manchester United ayaa lagu reebay wareegga bug-baxa tartanka UEFA Champions League saddexdii jeer ee ugu dambeysay oo ay barbarro gasho lugta hore – waxaana reebay Real Madrid (2012/13, wareegga 16-ka), Bayern Munich (2013/14, Rubac-dhammaadka) iyo Sevilla (2017/18, wareegga 16-ka)
Marka ay awoodi weyso inay ciyaarta lugta hore guul ka keento tartanka UEFA Champions League wareegyadiisa bug-baxa iyadoo garoonkeeda ku ciyaartay, Atletico Madrid ayaa tartanka laga reebay saddex ka mid ah afartii is-arag ee ugu dambeysay oo xaaladdaas yeesha, marka ay soo gudubtayna waxay kasoo baxday Chelsea xilli ciyaareedkii 2013/14 markaas oo ay ku wajahday wareegga afar-dhammaadka.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Manchester United:
Atletico Madrid:
Ajax vs Benfica
Kooxda Ajax ayaa caawa soo dhoweyneysa dhiggeeda Benfica kulanka lugta labaad ee isla wareegga 16-ka, waxayna labada naadi kulankii hore kusoo kala baxeen barbarro 2-2 ah, waxaana caawa soo gudbi doona oo kaliya kooxdii adkaata.
Gool FM.