(Madrid) 06 Maajo 2022. Goolhayaha taariikhiga ah xulka qaranka Denmark iyo kooxda Manchester United Peter Schmeichel ayaa sheegay in Real Madrid aysan u qalmin in ay gaarto finalka Champions League.
Real Madrid ayaa mar kale u soo baxday finalka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2018 kaddib guushii taariikhiga ahayd ee ay kaga gaartay Manchester City kulankii semi-finalka.
Real ayaa iska xaadirisay finalka Champions League kaddib markii ay guul soo laabasho taariikhi ah kaga gaartay Manchester City 3-1, ciyaartii lugta labaad wareega afarta ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu, waxayna Los Blancos cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan kaga soo gudubtay 6-5.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, Peter Schmeichel ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Real Madrid uma qalanto inay finalka Champions League gaarto. sida iska cad waxay ahayd kooxda xumeyd inta lagu juray labada kulan ee wareegan.”
“Real Madrid waxay kulan xun la cyaartay Manchester City, kaliya Real waxay si fiican ula ciyaartay Chelsea, runtii ma fahmin kubada cagta.”
“Haddii aan u hadlo si daacad ah, ciyaartoyda Real Madrid aad ayay ugu kalsoon yihiin naftooda iyo tababarahooda, ma dareemaan cabsi wakhti kasta kulanka iyo xaalad kasta, waxay ahayd waali.”
Gool FM.