(Roma) 06 Maajo 2022. Tababaraha kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay u soo bixitaanka Real Madrid finalka Champions League, isaga oo fariin gaar ah u diray tababaraha naadiga Los Blancos ee Carlo Ancelotti.
Real ayaa iska xaadirisay finalka Champions League kaddib markii ay guul soo laabasho taariikhi ah kaga gaartay Manchester City 3-1, ciyaartii lugta labaad wareega afarta ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu, waxayna Los Blancos cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan kaga soo gudubtay 6-5.
Sida uu shaaca ka qaaday warsidaha Football Italia, Jose Mourinho, ayaa fariin u diray tababare Carlo Ancelotti, kaasoo Real Madrid ku hogaamiyay finalka Champions League, wuxuuna yiri:
“Haddii aad ii ogolaataan inaan fariin u diro tababaraha saaxiibkay ah, Carlo, aan tagno oo aan ku guuleysano finalka.”
Si kastaba ha noqotee, Mourinho ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay taariikhda ee gaara finalka Champions League, Europa League iyo Europa Conference League, maadaama xalay kooxdiisa Roma uu ku hoggaamiyay inay gaarto finalka Europa Conference League, kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen Leicester City.
Gool FM.