(Cardiff) 03 Juunyo 2017. Haddii aad ogeyd in Real Madrid ay dhanka taageerayaasha baraha bulshada ay ku garaacday Juventus ka hor kulankooda caawa ee Final ka Champions League ku darso iminkana waxay ku garaacday qiimaha ay ku fadhiyaan safafkooda.
Kooxda reer Spain ayaa mida reer Talyaani dheer adduun dhan 200 milyan oo euro marka la fiiriyo qiimaha ay ku fadhiyaan ciyaartoydooda.
Safka Real Madrid oo ay ku jiraan xiddiga 2-aad iyo 3-aad ee ugu qaalisan kubbada cagta adduunka Gareth Bale (€100.8m) iyo Cristiano Ronaldo (€94m) ayaa ku kacaya adduun dhan €638.2.
Halka safka kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ah ay ku kacayaan lacago dhan €422.03 milyan.
Waxaana kooxda reer Talyaani safkeeda ugu qaalisan dhaliyaha reer Argentina oo ay Napoli kaga soo iibsadeen €90 milyan.
EEG QIIMAHA AY KU KACAYAAN Juventus iyo Real Madrid:
Gool FM.