Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ma ogtahay in Buffon uu doonayay inuu waayihiisa ciyaareed ka dheelo weerarka….(Yaa ku dhaliyay inuu goolhaye noqdo?)

$
0
0

buff

(Cardiff) 03 Juunyo 2017. Juventus ayaa caawa qasadkeedu yahay inay taariikh sameyso marka ay final ka Champions League ku wajaheyso Real Madrid, laakiin waxaa oo dhan uma suuro galin lahayn haddii aysan caawimaad yar ka heli lahayn goolhaye Gianluigi Buffon.

1990-kii mar uu goolwalaha reer Talyaani ahaa 12-jir wuxuu ku tamaninayay inuu noqdo weeraryahan farta ka xiran.

39-jirka reer Talyaani ayaa u saftay xulkiisa 168 kulan wuxuuna koobab badan kula guuleystay kooxdiisa intaa oo dhana wuxuu ka ciyaarayay booska uu ku caan baxay ee goolhaye.

Buffon ayaa midaa uga mahdinaya goolhayihii hore ee xulka Cameroon Thomas N’kono kaa oo sabab u ahaa in goolhayaha reer Talyaani uu badelo maankiisa ahaa inuu weeraryahan noqdo.

Thomas N'Kono helped Cameroon beat Argentina and reach the 1990 last-eight

Mar dib loo milicsaday koobkii adduunka ee 1990-kii, Buffon ayaa yiri:

“Indhahoo idil waxay hayeen ciyaartoyda sida Diego Maradona iyo Gary Lineker, laakiin waxaa maskaxdeyda qabsaday oo badelay Thomas N’Kono.

“Waxay ahayd waxyaabihii uu u sameeyay xulkiisa Cameroon intii lagu guda jiray koobka adduunka taa oo igu dhiiro galisay inaan aniguna noqdo goolhaye.”.

Cameroon ayaa koobkaasi adduunka garaacday Argentina iyadoona noqotay kooxdii ugu horreysay oo Afrikaan ah oo u soo gudubta sideed dhammaadka koobka adduunka.

Goolhaye Thomas N’Kono ayaa qudhiisa sheegay in Buffon uu ugu yeeray kulankiisii sagootinta mar uu ciyaaraha ka fariisanayay wuxuuna yiri.

Gianluigi Buffon swapped being a striker for a goalkeeper thanks to N'Kono

“Waxaan markii ugu horreysay la kulmay isagoo 20-jir ah oo jooga Parma.

“Sanad kaddib waxaan waydiistay Buffon inuu ka ciyaaro kulankeyga sagootinta ee ka dhacayay Cameroon, wuxuu igu yiri ‘Okey dhib malahan’ laakiin marna ma moodeyn inuu iman doono.

“Intaa kaddib, daqiiqadii ugu dambeysay, wuu isoo wacay isagoo ii sheegay inuu joogo garoonka diyaaradaha si uu u yimaado Cameroon, cajiib ayay ahayd.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles