(Monaco) 24 Agoosto 2017 Waxaa la sameeyay isku aadka wareega guruubyada ee koobka horyaalada yurub, waxaana ka soo baxay guruubyo aad u adag.
Waa markii ugu horaysay taariikhda isku aadka wareega guruubyada inay qayb ka noqdaan 5-koox oo ka socota ingiriiska.
Barcelona iyo Juventus ayaa wada galay hal guruub halka Bayern Munich iyo PSG ay kuwada jiraan hal guruub.
Isku aadka oo dhamaystiran:
Guruub A: Benfica, Man United, FC Basel, CSKA Moscow.
Guruub B: Bayern Munich, PSG, Anderlecht, Celtic.
Guruub C: Chelsea, Atletico Madrid, Roma, Qarabag.
Guruub D: Juventus, Barcelona, Olympiacos, Sporting Lisbon.
Guruub E: Spartak Moscow, Sevilla, Liverpool, Maribor.
Guruub F: Shakhtar Donetsk, Man City, Napoli, Feyenoord.
Guruub G: AS Monaco, FC Porto, Besiktas, RB Leipzig.
Guruub H: Real Madrid, Borussia Dortmund, Tottenham, APOEL.
Gool FM