(Europe) 25 Agoosto 2017. Paul Pogba ayaa loo magacaabay laacibka sanadka ee Europe League 2016/17.
Xiddiga reer France ayaa abaal marinta ku garaacay saaxiibadiisa kooxda ee Zlatan Ibrahimović iyo Henrikh Mkhitaryan.
Waa markii ugu horreysay oo la bixiyo abaal marinta laacibka ugu fiican tartanka UEFA Europe League, inkastoo shaxdii ugu fiicneyd ee tartankan oo uu ku jiray Pogba Mkhitaryan iyo Ibrahimović la soo saray dhammaadka kal ciyaareedkii tagay.
Pogba oo ka soo muuqday Europe League 15 kulan ayaa dhaliyay 3-gool isla markaana caawiyay gool kale.
Xiddigan oo si joogta ah ugu ciyaara kooxda Jose Mourinho ayaa ka caawiyay inay ku guuleystaan Europe League iyo waliba English League Cup.
Gool FM