(Barcelona) 13 Seb 2017 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa amaanay Lionel Messi kadib guul daradii soo gaartay xalay.
Messi ayaa 2-gool ka dhaliyay xalay Juventus kulan ay Barcelona uga adkaatay 3-0 kaas oo ka tirsanaa is araga hore ee wareega guruubyada koobka horyaalada yurub.
Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Messi marka uu helo meelo banaan inuu yahay laacib ay adag tahay in la istaajiyo.
“Haddii aan siino firaaqooyin Messi wuxuu noqonayaa laacib aan la istaaji karin laakiin haddii aanaan siin wax firaaqo ah wuxuu noqonayaa mid la xakamayn karo” ayuu yiri Allegri dhamaadkii ciyaarta.
Mar uu ka hadlay xaalka Higuain ayuu yiri:
“Waxaan rumaysanahay haddii uu ka daaho gool dhaliska ama uusanba dhalin wuxuu dareemayaa xoogaa wal wal ah, waxaa haboon inuu siiwado shaqada isla markaana uu iska hagaajiyo dhankaas”.
Gool FM