Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Miralem Pjanic oo hoos u dhigay saamaynta guul daradii ka soo gaartay Barcelona

$
0
0

(Barcelona) 13 Seb 2017 Kubadd abuuraha kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa hoos u dhigay saamaynta ay kooxdiisa ku yeelan karto guul daradii xalay ka soo gaartay Barcelona.

Juventus ayaa xalay loogu awood sheegtay 3-0 iyada oo marti ku ahayd Camp Nou, laakiin Pjanic ayaa ku dooday in kooxdiisu ay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican.

Wuxuuna intaa ku daray in dadka qaar ay si ka badbadis ah u eedeynayaan Juventus xili ay ka maqnaayeen ciyaartoy muhiim ah.

“Ciyaar fiican ayaan soo bandhignay qaybtii hore, laakiin nooma suurogalin inaan gool dhalino ilaa Barcelona ay dhalisay goolkii hore” ayuu yiri Miralem Pjanic.

“Dadka qaar way ka badbadinayaan eedeynta waxayna is moogaysiinayaan inaan soo bandhignay qaab ciyaareed fiican anaga oo ka hor jeednay koox xoogan oo ku ciyaaraysa garoonkeeda xili ay naga maqnaayeen ciyaartoy muhiim ah”.

“Kani waa kulankii ugu horeeyay ee wareega guruubyada, waxaanan fursad u haysanaa inaan ka soo kabsano guul darada kulamada soo socda”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles