Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

WAR ILEEN TANOO KALE: Laacib xalay garoonka looga saaray QEYLADA Taageerayaasha dartood

$
0
0

DKt9FWTWsAAG3tC

(Istanbul) 27 Sebt 2017.  Weeraryahanka naadiga RB Leipzig ee dalka Jarmalka Timo Werner ayaa xalay Dhacdo Yaab leh ka dhigay tartanka Champions League oo aan  horey looga arag.

Dhaliyaha reer Jarmal ayaa dalbaday in garoonka laga saaro daqiiqadii 32-aad kaddib markii uu sheegay inuu ku wareeray oo uu u adkeysan waayay qeylada taageerayaasha reer Turki ee kooxda Besiktas oo ciyaarta kaga adkaaday 2-0.

taa
21-jirka ayaa xitaa isku dayay inuu ku ciyaaro qalab dhagaha loo galiyay si uu buuqa uga hor istaago kaddib markii marar badan la arkay isagoo gacmaha dhagaha saaranaya.

“Weligeey Nolosheyda ma arag  jawi sidan oo kale ah. Waan awoodi waayay inaan diiradda saaro ciyaarta,” Timo Werner ayaa sidaa yiri mar uu ka sheekeynayay taageerayaasha qeylada badan ee naadiga Besiktas.

“Waxaan dalbaday wax dhagaha la gishto balse iyaga xitaa way I caawin waayeen. Ilaa iminka si fiican ma dareemayo.”.

Aqriste sheekadan oo kale waligaa ma maqashay intaad ciyaaraha ku dhex jirtay???.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles