Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Conte oo caawa la kulmaya Costa markii ugu horreysay tan iyo Fariintii uu u diray

$
0
0

an

(Europe) 27 Sebt 2017. Antonio Conte ayaa caawa waji ka waji ula kulmi doona Diego Costa markii ugu horreysay tan iyo markii uu u diray fariinta uu ugu sheegayo inuusan ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub marka ay caawa wada ciyaarayaan Chelsea iyo Atletico Madrid Champions League.

Isma arkin tan iyo wixii ka dambeeyay finalkii FA Cup maadaama uu Costa diiday inuu dib ugu soo laabto England iyadoona ugu dambeyn laga iibiyay kooxdiisii hore.

Weeraryahanka reer Spain ayaa halka looga soo duso garoonka Wanda Metropolitano Stadium caawa kula kulmi doona saaxiibadiisii hore ee Blues iyo tababaraha reer Talyaani.

 Diego Costa and Antonio Conte have been at loggerheads after falling out over the summer

Costa iyo Conte oo hadlay ayaa labaduba sheegay inay doonayaan inay dhinac iska dhigaan wixii soo dhex maray isla markaana horey u socdaan.

Xiddiga asal ahaanta ka soo jeeda Brazil ayaa bartiisa Istagram soo dhigay fariin uu ku macsalaameynayo saaxiibadiisa hore iyo waliba taageerayaasha Chelsea.

Atletico ayaa goor dhaweyd si Rasmi ah u shaacisay inay la wareegtay Costa isla markaana u xiran doono No. 18 inkastuu u safan Karin ilaa laga gaaro bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa.

 Diego Costa will wear No 18 shirt at Atletico Madrid after completing his return

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles