Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muran xoogan oo xalay dhex maray De Bruyne, Silva iyo Fernandinho…(Maxaa la isku qabtay??)

$
0
0

dag

(Manchester) 18 Okt 2017. Kevin De Bruyne, David Silva iyo Fernandinho ayuu muran xoogan dhex maray markii la maray qeybta hore ee dheeshii ay xalay 2-1 uga adkaadeen Napoli tartanka Champions League.

Waxay sheekada u muuqatay in xiddiga reer Belgium ee De Bruyne uu doonay inuu la doodo garsooraha afaraad ee ciyaarta iyadoo ay jirtay inay Man City kulanka ku horkaceysay 2-0.

Balse kabtan David Silva ayaa isku dayay inuu muranka damiyo isla markaana meesha ka kaxeeyo saaxiibkii taa oo ka dagi waysay laacibka.

De Bruyne ayaana la arkayay isagoo ku qeylinaya “War ii ogloow inaan hadlo, ii ogoloow inaan hadlo.”.

Fernandinho ayaa sidoo kale la arkayay isagoo wax ku dhahaya garsooraha afaraad ee ciyaarta.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles