Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Maxaa Madaxa ka helay Real Madrid!!!!!!!

$
0
0

madax

(Madrid) 18 Okt 2017. Real Madrid ayaa Madaxii laga maray oo ilaa iminka wax gool ah Madax kuma dhalin xilli ciyaareedkan cusub waana wax si wayn looga tabayo kooxda.

Los Blancos ayaa 40-gool madaxa ku dhalisay kal ciyaareedkii tagay marka loo bar bardhigo midkan oo aysan weli gool madaxa ah dhex dhigin shabaqa.

Waxay sameeyeen 368 Karoos, 93 Tayo leh, waxay kaloo sameeyeen 120 Koorno  taa oo ah saddex meelood karoosyadii ay sameeyeen kal ciyaareedkii tagay balse wax gool ah kuma dhalin dadaaladaas.

Karim Benzema ayaa xalay ugu soo dhawaa inuu dhaliyo gool madaxa ah balse waxaa lugaha uga bad baadiyay goolhaye Lloris kulankii ay barbaraha 1-1 ku galeen Bernabeu tartanka Champions League.

Cad cadka ayaa kal ciyaareedkii tagay ku caan baxay kulamada soo laabashada leh (comeback) balse kal ciyaareedkan ilaa iminka ma aysan sameyn wax soo laabasho ah.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa waxa sababay sheekadan ma Tagista Alvaro Morata oo ku biiray Chelse mise waa caawintii James Rodríguez oo meesha ka baxday kaddib markii uu amaah ugu biiray Bayern Munich.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles