(Europe) 29 Okt 2017. Garsoore Jonas Eriksson ayaa dhex dhexaadin doona kulanka Chamapions League ee Talaadada dhex maraya Roma iyo Chelsea.
Kulankan ka dhici doona Stadio Olimpico ayaa noqon doona mid xiiso badan maadaama lugtii hore ay labada kooxood ku soo ciyaareen London ay ku soo idlaatay bar baro 3-3.
Waxaa caawiyayaal u noqon doona Mathias Klasenius iyo Daniel Warnmark, garsoorayaasha dheeriga ayaana kala ah Stefan Johannesson iyo Andreas Ekberg, halka uu Mehmet Culum noqon doono garsooraha afaraad.
Taageerayaasha Roma ayaa garsoore Eriksson ku xusuusan doona inuu dhex dhexaadinayay ciyaartii ay guul darada 7-1 kala kulmeen Bayern Munich bishii October ee 2014.
Sidoo kale taageerayaasha Blues ayaa ku xusuusan doona inuu garsoorayay ciyaartii Finalka European Super Cup kolkaa ay Rigoorooyin uga qaaday Bayern Munich bishii August ee 2013, Eriksson ayaana ciyaartaa kaarka cas u taagay Ramires.
Gool FM.