Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waxaan rajeynayaa in Messi uu isla xilli ciyaareedkan dhaliyo goolkiisii 200-aad.”

$
0
0

mee

(Catalonia) 19 Okt 2017. Lionel Messi ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 100-aad ee Tartamada Yurub kaddib markii uu gool ka dhaliyay Olympiacos ay xalay uga adkaadeen Champions League.

Xiddiga reer Argentina ayaa u baahday 122 kulan si uu u dhaliyay goolkiisii 100-aad ee Yurub.

Messi ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyay ee tartamada Yurub ciyaar ay kala hortageen Shakhtar Donetsk bishii December 2004.

Goolkiisii ugu horreeyay ee Yurub wuxuu ka dhaliyay naadiga ka dhisan Greek ee Panathinaikos, goolhaye Mario Galinovic ayaana noqday kii ugu horreeyay uu shabaqiisa gaaro.

Tababaraha Barcelona Valverde ayaa durba rajeynaya in isla xilli ciyaareedkan uu arko Messi oo dhalinaya goolkiisii 200-aad ee tartamada Yurub.

“Waxaan rajeynayaa inuu gaaro 200-gool xilli ciyaareedkan, tirooyinkan waxay ayidayaan waxa aan maalin kasta ku aragno tababarka.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles