(Munich) 17 Maarso 2016 – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa u soo gudubtey rubuc-dhamaadka Champions League, kaddib markii ay xalay ku kala baxday naadiga Juventus ee waddanka Talyaaniga.
Kooxda Juve oo aad u rajo wanaagsanayd ayaa hoggaanka ku haysay 2-0 tan iyo daqiiqaddii 73-aad markaasoo ay ciyaartu fareheeda ka baxday kaddib markii uu macallin Allegri oo iska dhaadhiciyay inay ciyaartu sidaa ku dhamaanayso uu sameeyay bedello su’aalo keenay.
Kooxda Bayern ayaa soo dagaallantay, iyadoo 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay culays badan saartay Juve, waxayna ciyaarta oo waqtigii caadiga ahaa ku dhamaatay 2-2 lagu daray waqti dheeri ah, kaasoo ay Bayern ku dhalisay laba gool oo kale waxayna ku dhammaatay 4-2, iyadoo sidaas ku gaartay wareegga siddeeda Champions League cel-celis (6-4).
Ciyaartii ka dhacday Allianz Arena ayaa Bayern Munich waxaa afarta gool u kala dhaliyey (Lewandowski 73’daqiiqo, Muller 90’daqiiqo, Thiago 108 iyo Coman 110), halka Juventus ay labada gool oo ay ku daah rogtay ciyaarta ay ka kala heshay (Pogba 5’daqiiqo iyo Cuadrado 28’daqiiqo).
Haddaba fannaanka farshaxanka ciyaaraha ee Omar Momani ayaa maanta ku xusay kartuunkiisa, waxaana uu soo sawiray Baabuurka Bayern Munich oo waddo baylah ah ku bursanaya barbaarta Bianconeri ee Paul Pogba iyo Juan Cuadrado, taasoo soo af-meertay rajadoodii Champions League, ee hoos ka eeg kartuunka:-
Gool FM.