Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Innaba caadi ma ahan baasaskooda.”. Arsene Wenger oo aad ugu bogsan xiddigaha Barcelona xilli uu khatar ku jiro xilkiisa!

$
0
0

(London) 17 Maarso 2016. Gunners ayaa ku soo hartay wareega 16-ka Champions League markii 6-aad oo xiriir ah kaddib markii ay guul darro 3-1 ah kala kulantay Barcelona.

Inkastoo tartanka ahaa kii ugu dambeeyay oo laga soo cirib tiro Arsenal misane tababare Wenger ma uu qarin sida wayn uu ugu bogsan yahay wiilasha Blaugrana.

“Saxnaanshaha baasaska Barcelona iyo hala abuurkooda innaba caadi ma ahan,” Wenger ayaa sidaa yiri.

“Waa inaad u bogtaa farshaxanka. Waxay heystaan labo ama saddex ciyaaryahan oo leh awooda ay nolosho caadiga ah ugu badelaan farshaxan.

“Dabcan aniga ahaan waan dhibtoonayaa sidoo kale, laakiin waa wax gaar waxa uu sameeyo Messi, shaqo wacan Barca, waa koox aan innaba caadi ahayn.”.

Xilka macallin Wenger ayaa khatar ku jira iyadoo xalay ay ka soo hareen koobkii ugu dambeeyay oo halka Premier League ay ku jiraanna waxaa looga hogaaminayaa 11-dhibcood, khubaro badan oo kubbada cagta ayaana soo jeedinaya in la gaaray waqtigii uu tababaraha reer France iska casili lahaa jagada.

guners

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles