(Europe) 17 Maarso 2016. Tababarihii hore ee Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid Jose Mourinho ayaa mar uu u waramayay BT Sport la waydiiyay mida sahlan inaad ku guuleysato Champions League iyadoo uu kula jiro xiddiga ugu fiican adduunka ee Lionel Messi iyo inaad ku guuleysato isagoo kaa soo horjeeda.
“Messi wuxuu Champions League kula guuleystay saddex tababare oo kala duwan. Waxaan u maleynayaa inay sahlan tahay inaad ku guuleysato marka uu kula jiro halkii aad ku guuleysan lahayd isagoo kaa soo hor-jeeda,” Jose ayaa sidaa ku jawaabay.
Dhanka kale Jose ayaa weli mucaardsan muhimmada gaar ah ee la siiyo shaqsiyaadka halkii kooxda la siin lahaa wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya midaa: “Waxaan ahay tababare kubbada cagta ah. Waan ogahay in mararka qaar in dadku aaminsayihiin in shaqsiyaadku ay ka muhiimsan yihiin kooxda. Weli waxaan aaminsahay in kooxdu ka muhiimsan tahay wax kasta oo kale. Laakiin runta cad waxay tahay inay jiraan ciyaartoyda qaar oo farqi sameyn kara.”.
Gool FM.