Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Haka cabsanina kooxaha kale”– Jamie Redknapp oo fariin u diray ciyaartoyda Blues ka hor isku aadka Champions League

$
0
0

(London) 06 Dis 2017 Falanqeeyaha Sky Sports ee Jamie Redknapp ayaa fariin u diray ciyaartoyda kooxda Chelsea ka hor isku aadka wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub.

Chelsea ayaa ku aadi karta kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub ee ku soo baxay booska hore maadama ay ku soo baxday booska labaad.

Jamie Redknapp ayaa sheegay in Chelsea ay haysato Hazard, Morata iyo Fabregas oo ku jira qaab ciyaareed aad u fiican.

“Chelsea waa inaysan ka cabsan kooxaha kale” ayuu yiri Jamie Redknapp kadib dhamaadka kulankii xalay ay 1-1 lagashay Atletico Madrid.

“Waxay haystaan Morata, Hazard iyo Fabregas oo ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa, taasi waxay kooxda ku abuuraysaa isku dheeli tirnaan buuxda” ayuu sii raaciyay.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles