(Europe) 07 Dis 2017. Waxaa soo gabo gaboobay wareega group-yada Champions League iyadoo ay soo bexeen 16-ka kooxood oo ciyaaraya wajiga labaad ee tartanka.
Napoli ayaa isaga hartay tartanka kaddib guul daro lama filaan ah ay kala kulantay kooxda Feyenoord oo xalay gaartay guushii ugu horreysay, laakiin markasta kooxda reer Talyaani waa ay hari lahayd xitaa haddii ay badiso maadaama ay guul gaartay Shakhtar.
Wiilasha Pep Guardiola ayaa xalay la dha dhansiiyay guul daradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka oo waxaa 2-1 ku maray Shakhtar.
Liverpool ayaa raaxeysatay oo markale ku adkaatay 7 gool halka Real Madrid ay guul ka gaartay Dortmund.
Tottenhan oo kolhoreba xaqiiqsatay booska koowaad ayaa xalay misane ku adkaatay 3-gool.
Haddaba EEG kooxaha u soo gudbay wareega 16-ka:
Gool FM.