Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Juventus oo dhaawac ku waynaysa Paulo Dybala iyo laacibka oo laga cabsi qabo inuu seego lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub

$
0
0

(Torino) 07 Jan 2018 Kooxda Juventus ayaa helaysa war naxdin leh kadib markii uu dhaawac ku baxay weerar yahanka reer Argentina kulankii xalay.

Juventus ayaa xalay 0-1 uga adkaatay kooxda Cagliari, Paulo Dybala ayaana dhaawac looga saaray garoonka intii ay socotay ciyaarta.

Bayaan ka soo baxay Juventus ayaa lagu sheegay in Paulo Dybala uu dhaawac dhex dhexaad ah ka qabo lugta midig, isla markaana uu bilaabayo sidii uu uga soo kabsan lahaa dhaawaca soo gaaray.

Kooxda si sax ah uma sheegin waqtiga uu maqnaanayo kadib baaritaankii lagu sameeyay saaka, laakiin saxaafada Sportiga ayaa sheegay in Paulo Dybala uu maqnaanayo muddo u dhexeysa bil ilaa iyo bil iyo bar.

Paulo Dybala ayeey u badantahay inuu fursad u waayi doono kulanka 13-ka February ay kooxdiisu soo dhawayn doonto Tottenham, lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles