Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Robinho oo rumaysan in Real Madrid ay ku guulaysan doonto Champions League markii 3-aad oo xiriir ah

$
0
0

(Madrid) 27 Jan 2018 Robinho ayaa rumaysan in kooxdiisii hore ee Real Madrid ay ku guulaysan doonto markii 3-aad oo xiriir ah koobka horyaalada yurub.

Tan iyo markii koobka loo bixiyay Champions League ma jirin koox ku guulaysatay laba jeer oo isku xigta laakiin Real Madrid ayaa sidaas samaysay xiliciyaareedkii hore.

Image result for Robinho Real Madrid Champions League

34 jirka reer Brazil ayaa rumaysan in Real Madrid ay ka soo gudbi doonto PSG isla markaan ay markii 3-aad oo xiriir ah difaacan doonto Champions League.

Robinho ayaa la waydiiyay ra’yigiisa ku aadan kulanka PSG iyo Real Madrid, wuxuuna ku jawaabay:

“Waa laba kulan oo ku adag labada kooxood, Real Madrid vs PSG dadka badankiisa wuxuu u yahay Final la soo hormariyay”.

“Champions League waa fursadii ugu danbaysay ee Real Madrid xiliciyaareed kaan, waxaan rumaysanahay inay ka soo gudbi karaan PSG, oo maxaa diidaya inay ku guulaystaan markii 3-aad oo xiriir ah”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles