Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Maaliyada ayaan wadiisan doonaa MESSI.”.- Laacib ka tirsan Chelsea oo taagan wax la qariyo mahaayo!!

$
0
0

(London) 05 Jan 2018. Chelsea ayaa 20-ka bishan Feebaraayo mininkeeda Stamford Bridge ku marti galin doonta muruq waynta Barcelona lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Xiddiga qadka dhexe ee Blues Danny Drinkwater ayaa daaha ka rogay inuu Maaliyada waydiisan doono laacibka reer Argentina ee Lionel Messi marka ay isaga horyimaadaan kulanka la wada sugayo.

Barca iyo Blues ayaa misane lugta labaad isku qaban doona Nou Camp 14-ka bisha maarso.

Xiddiga reer England oo la waydiiyay inuu ku faraxsan yahay labada lug ay la ciyaarayaan camaaliqada Spain ayaa yiri:

“Haa, Ma aaminsani inaan dhab ahaantii horey ugu soo ciyaaray Nou Camp.

“Waxaan la ciyaaray Barcelona kulamada xilli ciyaareedka la isugu diyaariyo sanad ka hor, laakiin Nou Camp waxay noqon doontaa khibrad cusub, sidaa darteed, Haa si xiiso leh ayaan ku sugayaa.

Drinkwater oo la waydiiyay waxa ay ka dhigan tahay inaad wajahdo Messi ayaa yiri:

“Si aad ah ayaan u xiiseynayay markii ugu horreysay aan la ciyaaro isaga, ma garanayo sida aan noqon doono marka xigta. waa inaan helaa maaliyadiisa.

Laacibka Chelsea oo hadalkiisa sii wata ayaa Messi ku sheegay laacibkii ugu fiicnaa ebid uu ka hor yimaado isagoona sharaxaad ka bixiyay sababta:

“Ma aqrin kartid waxa uu sameynayo, aad ayuu ugu dhaqsanayaa kubbada, mana suureysan kartid sida uu jihada u badelayo.

“Weligeey lama ciyaarin qof ceynkaa oo kale ah. Waxaan la ciyaaray dad si dhaqsi leh ku badeli kara jihada ay ku socdaan laakiin isagu waa heer kale.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles