(Barcelona) 05 Feb 2018 Barcelona ayaa wajahaysa dhibaato cusub kadib markii shaki la galiyay in Gerard Pique uu taam u noqon karo kulanka Chelsea.
Chelsea ayaa soo dhawayn doonta Barcelona talaadada dambe, kulan ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.
Gerard Pique oo xalay guul daro ka badbaadiyay Barcelona ayuu soo gaaray dhaawac, waxaana la sheegay in laacibku uu garoomada ka maqnaan karo muddo dhan 2-isbuuc.
Laacibka ayaa saaka lagu sameeyay baaritaan, waxaana la sheegay inuu dhaawac ka qabo jilibka, waxaana loo badinayaa inuu seegi doono kulanka Chelsea.
Tababare Valverde ayaa wajahaya dhibaato kulanka Getafe maadama Umtiti uu ganaax ku seegayo halka Varmaelen uu qabo dhaawac, taas oo ka dhigan in Yerry Mina uu heli doono fursadiisii ugu horaysay ee Barcelona.
Gool FM