Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: UEFA oo soo diiday racfaankii Real Madrid ee Dani Carvajal iyo laacibka oo seegaya kulanka PSG

$
0
0

(Madrid) 06 Feb 2018 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa soo diiday racfaan ay u gudbisay Real Madrid si loo yareeyo ganaax lagu riday Dani Carvajal.

Daafaca Real Madrid ayaa lagu haystaa inuu si kutalo gal ah u qaatay jaale, si isaga oo nadiif ah uu ugu gudbo wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub.

Guddiga anshaxa ee UEFA ayaa laba kulan oo ganaax ah qoorta u suray Dani Carvajal, taas oo ay racfaan ka qaadatay Real Madrid.

UEFA ayaa haatan shaacisay inay diiday racfaankii Real Madrid isla markaana Dani Carvajal uu si rasmi ah u seegi doono kulanka lugta hore ee wareega 16-ka.

Real Madrid ayaa arbacada soo socota soo dhawayn doonta PSG lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, tababare Zidane ayaa la sheegayaa in Nacho uu ka ciyaarsiin doono daafac midig.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles