(Turin) 06 Feb 2018. Blaise Matuidi waxaa la warinayaa in uu seegi doono kulanka adage e wareega 16-ka lugta hore ee Champions league-ga dhexmari doona Juventus iyo Tottenham Spurs.
20 jirka dhaawac ayaa ka soo gaaray cajirka kulankii ay 7-0 uga badiyeen Sassuolo axaddii.
Warbixin ay soo saartay Juve kuma aysan xadidin inta uu maqnaan doono, waxa ay ku dheheen: “Tijaabooyin bada ayaan u baahannahay si qiimeyn fiican ugu sameynno ilaa iyo inta uu maqnaan doono.”
Juve oo 7 kulan oo xiriir ah Serie A-ga badisay ayaa Tottenham asbuuca dambe Turin lugta kowaad ee is aragooda ku soo dhaweyn doonta.
Gool FM.