(Madrid) 09 Feb 2018 Cristiano Ronaldo ayaa bilaabay diyaar garow xoogan oo uu u galayo kulanka wareega 16-ka ee kooxdiisu ay marti qaadi doonto PSG arbacada.
Marca ayaa daaha ka qaaday in 6-maalin ka hor kulanka PSG, in Ronaldo uu kacdoon muuqda ka sameeyay xerada tababarka ee kooxdiisa.
Laacibka ayaa bilaabay inuu dhiirogaliyo ciyaartoyda si ay qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaan kulanka lugta hore ee ay marti qaadayaan arbacada kooxda PSG oo ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan.
Ronaldo ayaa dareensan in kulankaas uu yahay midka kaliya ee Real Madrid ay ku badbaadin karto xiliciyaareedkeeda, wuxuuna haatan sii bilaabay sidii ciyaartoydu ay qaab ciyaareed fiican u soo bandhigi lahaayeen habeenkaas.
Sidoo kale laacibka reer Portugal ayaa aad u jecel koobka horyaalada yurub, wuxuuna dhaliyay 9-gool kulamadii wareega guruubyada ee xiliciyaareed kaan.
Cristiano ayaa doonaya inuu aamusiyo dadka isaga eedeynaya, wadada kaliya ee uu ku aamusin karo ayaa ah inuu guul ku hogaamiyo kooxdiisa kulanka PSG.
Gool FM