Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waan garaaci karnaa Barcelona haddii …….”– Eden Hazard oo hadlay

$
0
0

(London) 09 Feb 2018 Xiddiga Chelsea iyo xulka Belgium-ka ee Eden Hazard ayaa ka hadlay kulanka adag ee kooxdiisu ay wajahayso Barcelona.

Labada kooxood ayaa ku balansan wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub, Chelsea ayaa ku jirta waqti adag halka Barca ay ku jirto waqti fiican.

Eden Hazard ayaa sheegay in kooxdiisu ay ka adkaan karto Barcelona isla markaana ay ka saari karto wareega 16-ka haddii ciyaartoyda kooxdiisu ay sameeyaan isku duubni.

“Wuxuu ahaan doonaa kulan qurxoon, kuma jirno qaab ciyaareedka xiliciyaareedkii hore, dabcan Barcelona waxay ku jirtaa waqti aad u fiican, laakiin ugu danbayntii nasiibka waa loo simanyahay, adiguna ma garan kartid wixii dhici doona” ayuu yiri Eden Hazard.

“Taasi waa sababta aan u jecelnahay kubadda cagta, kaloosni ayaan ku qabaa inaan banaanka u saari karno haddii aan isku duubnaano, aan aragno sida ay u socoto ciyaarta”.

Eden Hazard ayaa qaab ciyaareed fiican soo muujiyay wareegii guruubyada, wuxuu dhaliyay 3-gool isaga oo caawiyay 2-kale.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles